Muwaadiniin Kenyan ah oo duqeyn lagula eegtay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo muwaadin oo u dhashay dalka Kenya ayaa lagu dhaawacay duqeyn dhanka cirka ah oo Mareykanka kula eegtay deegaan ay maamusho Kooxda Al Shabaab oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Axmed Faarax [Maxamed Khayr] iyo Cabdullaahi Wilif oo kasoo jeeda degmada Wajeer ayaa ka badbaaday duqeynta oo ka dhacay xero tababar oo Al Shabaab ku leedahay Tuulada Baal Raaxo.

Labada Kenyanka ah ee kasoo jeeda gobolka Waqooygai bari ayaa waxay kamid ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab oo lagu dhaawacay duqeynta diyaaradeed ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in muwaadiniintan u dhashay Kenya lagu daaweynayo xarun Caafimaad oo Al Shabaab ay leedahay leedahay oo lagu magacaabo Aus qurun oo ku dhaw deegaanka Wargaduud.

Dhanka kale, diyaaradaha Kenya ayaa waxay duqeyn la eegteen xero kale oo Al Shabaab leedahay Khamiistii lasoo dhaafay, waxaana lagu dilay labo Al Shabaab katirsan, iyadoo 4 kale lagu dhaawacay.

Xerada waxaa ku sugnaan oo tababar ku qaadanayay 300 oo dagaalyahan, kuwaasi oo loo maleynayo in intooda badan ay dhinteen ama dhaawacmeen, sida ay sheegayso xog laga helayo dadka deegaanka.

Goobta duqeynta ka dhacday waxaa lagu magacaabaa Bohadi, oo ku taalla meel ku dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, gaar ahaan inta u dhaxaysa Busar and Buulo Xaaji oo katirsan Gedo.

Ciidamda caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, oo ah kooxda ugu khatarta badan Africa.

Arbacadii lasoo dhaafay, Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen meel 25Km u jirta galbeedka Muqdisho ay ku dileen 4 Al Shabaab ah, sidoo kalena ku burburiyeen gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa.

Bishii Maarso, Trump ayaa bixiyay ruqsad ciidamada Mareykanka uu ku siiyay inay kordhiyaan weerarada Soomaaliya, kuwaasi oo lagu looga hortagayo khatarta Al Shabaab ee geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM