Muxuu Cabdiwali Gaas ka yiri heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga?

Image
Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha.

Madaxweynihii hore ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana loo baahanyahay in wax laga qabto kaluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero, lana difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago Khatar kasta.

“Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo badda, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan naga caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

Waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana khalkhal la geliyo Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM