Muxuu Gorod kala hadlay Taliyaha Ciidamada Uganda?

Image

KAMPALA, Uganda - Taliyaha ciidamadda xooga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiweli Jamaac Xuseen [Gorod] oo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa wuxuu kula kulmay Kampala dhigiisa wadankaas Janaraal David Muhoozi.

Labadda taliye ayaa waxay si qoto dheer ay uga wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya, gaara ahaan howlgalka AMISOM, oo Uganda ay kamid tahay dalalka ugu badan ee ciidamada ku leh.

Macluumaadka laga helayo kulankooda ayaa waxay tilmaamayaan inay isla soo qaadeen qorshaha ka bixitaanka AMISOM iyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, ee mas'uuliyadda amniga lagu wareejinayo 2020.

David Muhoozi ayaa bogaadiyay qorshaha ay wado dowladda Soomaaliya ee ay ku dhiseyso ciidamo xoog leh, oo awood u leh inay buuxiyaan booska AMISOM iyo goobaha ay dalka ka joogaan.

"Waxaan ku qanacsanahay dadaalada lagu doonayo in lagu xasiliyo amaanka guud ee gobolka Geeska Africa, oo ay Soomaaliya ku jirto," ayuu Taliye David Muhoozi ka yiri kulanka dhexmaray isaga iyo Gorod.

Dhinaciisa, Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, Cabdiweli Jamaac [Gorod] ayaa uga mahad-celiyay dowladda Uganda iyo Shacabkeeda dadaalada ay ku bixinayaan soo celinta xasiloonida iyo nabada Soomaaliya.

Dalka Uganda ayaa wuxuu ku leeyahay Howlgalka AMISOM, in ka badan 6,000 askar, kuwaasoo jooga gudaha Soomaaliya, waxaana uu kamid yahay dalalkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay howlgalkaan 10 sano kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM