Muxuu ka dhigan yahay dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaaacidda, ayaa jimcihii tagey ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah garabka Daacish ee u qaabilsan dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa ugu baaqay maleeshiyada ururukaas inay ku qaadaan maleeshiyada Daacishta Soomaaliya weerar ay ugu magac dareen “ciribtirka cudurka”

Labadan urur ayaa aragti ahaan ka mideysan fulinta falalka argagixisada, si ay ugu gaaraan danaha ay leeyihiin, iyagoo u soo maraya diinta Islaamka, laakiin waxaa jira faraq u dhaxeeya oo keenay inay iska hor-yimaadaan.

Tan iyo markii Daacish looga dhawaaqay degaaan katirsan dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari 2015, Al Shabaab ayaa soo food saarey loolan cusub, kadib markii Kooxda ay lacago baaad ah kusoo roogtey Ganacsatada Boosaaso.

Muqdisho ayay sidoo kale Daacish kusoo rogtay Shirkadaha Ganacsiga lacago ay ku sheegtay "canshuur", iyadoo ay dishay in ka badan 10 shaqaale oo Hormuud Telecom katirsanaa, kadib markii maamulka Shirkadda uu diiday inuu bixiyo malaayiin dollar.

Boosaaso waxay Kooxdan ku dishay dhowr ganacsade, oo la sheegay inay ka biyo diideen lacagaha lagaa dalbadey, iyadoo dilalkooduna lagu micneeyay cabsi gelin iyo fariin loo dirayo ganacsatada kale.

Malleeshiyaad kala taabacsan labada dhinac ayaa dagaallo ku dhexmaray degaanno katirsan gobolka Bari, oo ugu damabeeyay Cal-Miskaad, halkaasoo ay isaga dileen xubno dhowr ah todobaadkii tagey. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM