Muxuu ka hor jeediyay madaxweynaha ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga Ereteriya?

Image

ASMARA - Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa booqday xero ciidan oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya oo ku taalla caasimadda Asmara.

Ciidamada badda Soomaaliya ayaa halkaasi ku qaadanayey tababar ciidan oo heerkiisu sareeyo, waxaana madaxweynaha uu halkaasi ka jeediyey khudbad dhiirigelin ah.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wadaniyadda, dhabar-adeegga iyo kartida ay muujiyeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed mudadii ay tababarka ku jireen.

Madaxweynaha ayaa faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga biiri lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee u dagaallamaya in dalka laga xoreeyo ‘AS’.

Kumanaan askari oo Soomaali ah ayaa tababar ciidan ku qaadanaya dalalka Ereteriya, Uganda iyo Masar, si ay u daboolaan bixitaanka ciidamada ATMIS ee la qorsheeyay dhammaadka sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM