Muxuu Madaxweynaha JFS ku yiri hoggaamiyaasha Dalalka Isbaheysiga dhexdhexaadka ah (NAM)?

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto dadaallo ay ku abuureyso Isbaheysi goboleed iyo mid Caalami ah,

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ka jeediyay khudbad ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa si kulul uga hadlay cawaaqib xumada ka dhalan kartoheshiis-beenaadkii ay Itoobiya la heshay taliska Muuse Biixi haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale sheegay in heshiikan uu halis ku yahay xasilloonida gobolka, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in uu fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto dadaallo ay ku abuureyso Isbaheysi goboleed iyo mid Caalami ah, oo looga hortagayo tallaabooyinka halka dhinac ay dowladda Itoobiya ku doonayso qeyb ka mida Badda Soomaaliya.

GaroweOnline.

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM