Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri heshiiska Turkiga & Soomaaliya?

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir-Jaraa’id uu maanta qabtay ku sheegay in heshiiska uu ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho argagixisada, burcad badeeddu ay ka duusho, wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano, muddadaasna la dhisi doono lana qalabayn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”.

Madaxweynaha JFS ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM