Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri heshiiska Turkiga & Soomaaliya?

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir-Jaraa’id uu maanta qabtay ku sheegay in heshiiska uu ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho argagixisada, burcad badeeddu ay ka duusho, wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano, muddadaasna la dhisi doono lana qalabayn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”.

Madaxweynaha JFS ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM