Muxuu salka ku hayaa gadoodka hogaanka HirShabelle?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil ayaa laga helay go'aanka hogaanka maamulka HirShabelle ku qaadacay shir-madaxeedka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho kaasoo lagu wadday in uu Axada maanta ah ka bilowdo magaala madaxda.

Sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, madaxwayne Cali Guudlaawe ayaa ku andacoonaya in uusan goobjoog ka ahayn madashii lagu go’aamiyey taariikhda kulanka.

Hase ahaatee, cudurdaarkaas ayaa dib ugu laabanaya Guudlaawe kaasoo Khadka isgaarsiinta uu ka go’ay intii uu socday shirkii ay hogaamiyeyaasha Soomaalida aalada fogaan aragga ee Zoom-ka ay yeesheen habeenka 21-kii June.

"Guudlaawe wuxuu kulanka ka qeybgalayey isaga oo jooga Turkiga saaranna baabuur. Hase ahaatee, waxaa mar qura la waayey isgaarsiintiisa," ayay Garowe Online u sheegeen dhowr illo wareedyo oo si dhow ula socda xaaladahan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guudlaawe uu sidoo kale diidmadiisa u cuskanayo "xadgudubyo dhanka hab-maamuuska ah" oo lagu sameeyay intii ay socdeen wadahahadalada arrimaha doorashooyinka ee caasimadda ku qabsoomay.

Inkasta oo sababtan darteeda uu dib ugu dhacay shirkii lagu wadday inuu maanta furmo, haddana fahfaahinada waxay tibaaxayaan in ay socdaan dedaalo lagu doonayo in Guudlaawe dib loogu soo celiyo gogosha taala caasimada Soomaaliya.

Kulankan ayaa muhiim u ah in doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda ay ka qabsoonto Soomaaliya. Si lamid ah, wuxuu bud-dhig u yahay soo afjarida caqabado xal ka dambeys ah u baahan oo qeyb ka ah dib-u-dhaca qabsoomida coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM