Muxuu Xamse magaca uga badalay wasaaradda kalluumaysiga?

Image
Waa mashruuc aad u weyn oo ay iska kaashanayaan dowladda Japan iyo Qaramada Midoobay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare ayaa lagu sheegay in wax laga badeley magacii wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda, wixii hadda ka dambeeyana loo bixiyay wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Ah.

Dad badan ayaa durbadiiba ka falceliyay, isweeydiiyayna waxa ay muhiim u ahayd in la badelo magaca wasaarad muddo dheer soo shaqaynaysay, iyadda oo sidoo kale la isweeydiiyay waxa loola jeedo ereyga ‘dhaqaalaha buluugga ah’.

Inkasta oo ay iska caadi tahay badalidda magac wasaaradeed, iyo waliba in gebigeedba meesha laga saaro sidii wasaaraddii gargaarka iyo maareynta masiibooyinka oo hadda loo badeley hay’ad dowladeed, ayaa tani waxa ay dhalisay hadal hayn badan.

Maxaa loo badalay magaca

Ereybixinta Kalluumaysiga wax dhib ah kama taagnayn, balse ereyga kale ee ku laran ee ah ‘Kheeyraadka Badda’ ayaa keenayay waxoogaa isku milan shaqada wasaaraddan iyo tan batroolka, oo haatan laga sahminayo gunta badda, soona galaya ‘kheeyraadka badda’.

Madaxweyne Xasan ayay muhiimad aad u weyn oo siyaasadeed ugu fadhidaa wasaaradda batroolka, illaa heer uu u dhiibtay qof qaraabadiisa hoose ka mid ah oo uu wasiirka ka dhigay, muddo yar kadibna uu wasiirkaasi qalinka ku duugay heshiis shidaal qodis ah oo lala galay shirkad shisheeye.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee magaca loo badeley uu yahay in wasiir Cabdirisaaq wadada looga leexiyo wax kasta oo caqabad ah oo ka imaan kara wasaarad kale oo si uun usoo dhexgali karta hawsha shidaalka oo ah sir si weyn loo qarinayo.

Dhaqaalaha Buluugga Ah

Waa mashruuc aad u weyn oo ay iska kaashanayaan dowladda Japan iyo Qaramada Midoobay, waxaana ku baxa lacago aad u badan, iyada oo dowladaha soo koraya laga kaalmeeyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka badda iyada oo aanan la dhaafinaynin tankii loogu talogalay.

Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid ka mid ah tiirarka hiigsiga Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay. Haddaba waxa ay dad badan su’aal ka keeneen sida qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah loo fahamsiin karo waxa loola jeedo Dhaqaalaha Buluugga Ah, iyada oo la heli karay ereybixino kale oo ay dadka fahmayaan.

Waxaa dowladda lagu eedeeyay in turjumaad toos ah oo aanan micno badan samaynaynin ay ku samaysay ereyga oo laga soo minguuriyay afka Ingiriiska.

Isbadelkan wuxuu qeyb ka yahay kuwa badan oo wadada kusoo jira iyada oo xukuumadda ay dhexdeeda waddoo qiimeyn iyo dib u eegis wasaaradaha, iyada oo maanka lagu hayo dhanka daqliga ay soo xareyn karaan wasaaradaha, gaar ahaan dhaqaalaha iyo mashaariicda beesha caalamka ay diyaarka la tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM