Muxuu yahay dalabka Musharixiinta ee Rooble fulin la'yahay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka ayaa shirar isdaba-joog ah ku leh Muqdisho maalmahan, iyagoo la filayo inay soo saareen war-murtiyeed ku saabsan tallaabooyinka ay qaadi doonaan, kadib markii doorashadda ay u dhici waysay si lagu qanacsan yahay.

Waxay dhawaan kulan guud oo maalin dhan qaatey la yeesheen Rooble, oo ay u gudbiyeen dalab culus, oo ah in la joojiyo doorashadda socoto, lana qabto shirweyne ay kasoo qeybgalayaan Maamulada, Dowladda Dhexe, Musharixiinta, Bulshadda Rayidka iyo Beesha Caalamka.

Rooble ayaa ku adkaatey fulinta dalabkan, balse si uu u qanciyo Mucaaradka wuxuu shir aaladda ZOOM-ka kula yeeshay Madaxda maamullada, iyo Gudiyadda doorashooyinka, oo kala hadlay hufnaanta doorashadda.

Musharixiinta kuma qancin tallaabada Rooble, oo ahayd midii iyagu rabeen, waxayna ku dhawaaqeen inaysan aqbali doonin doorashadda natiijadeeda, taasoo keentay walaac cusub oo laga muujinayo in diidmada ay dhaliso dagaal ka dhaca Muqdisho.

Rooble oo wali aan u madax-banaaneyn go'aannada uu qaato, ayaa wajahaya caqabado culus oo uga imaanaya doorashadda, oo sida la sheegay laga leexiyay hanaankii lagu heshiiyay Sep 17, ee ahaa in si daah-furan loo qabto, tartankuna noqodo mid loo siman yahay.

Lama oga tallaabada xigta ee Musharixiinta qaadi doonaan, mar hadii doorashadda ay qaadaceen oo Rooble ku eedeeyeen inuu qeyb ka yahay mushkiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM