Ujeedka socdaalka ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaaladda Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa.

Madasha Dooxa ayaa waxaa ka qeyb gelaya madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah.

Sanadkaan ayaa looga hadlayaa ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga, waxayna soconeysaa 14-15 December, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir dhow la lahayd Qadar, oo ay go'doomiyeen dowladdo ay kamid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM