MW Xasan Sheekh oo shir ku saabsan Amniga Soomaaliya kaga qeyb galay Imaaraatka

Image
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dalalka ka taageera Soomaaliya dhanka amaanka.

Abu Dhabi (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir looga hadlayay Amniga Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dalalka ka taageera Soomaaliya dhanka amaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda ‘AS’ iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweynaha oo shirka ka hadlay ayaa yiri: “Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo xasilloonida gobolka lagana fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ‘AS’, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Shirkan ayaa imaanaya ka dib Shirkii Amniga Soomaaliya ee dhammaadkii sannadkii tagay lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM