MXQ oo soo saartey digniin la xiriirta go'aanadii Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran oo qoraal kusoo dhaweysay go'aanadii shirka DhuusamareebIII ayaa ka digtay in maqnaanshiyaha Puntland iyo Jubaland ay dhaawacyo wadajirka laga maarmaanka ah.

War-saxaafadeedkan lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa soo jeediyey in loo dhameystiro wada-ogolka "sidii horey loogu madal-sanaa".

"Madasha Xisbiyadda Qaran waxay u aragtaa ka maqnaanshiyaha shirkii DhuusamareebIII ee labada maamul goboleed [Puntland iyo Jubaland] in ay wax u dhimeyso wadajirka lama huraanna ay tahay in la helo qaab ay ugu soo laabtaan wadatashiga hanaanka doorashada si loo helo go’aan wadar ogol ah," ayaa lagu yiri bayaankan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Puntland iyo Jubaland oo naqdiyey natiijadii Dhuusamareeb 3 ayaa ka baaqashada shirkaas u cuskaday in madaxda dowladda federaalka burburiyeen heshiisyadii Dhuusamareeb 1 iyo 2, dalkana ka jirin xukuumad rasmiya.

Dhinacyadda siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in magacaabida xukuumad ay laf-dhabar u tahay dhaqan-gelinta heshiis walba oo doorashada khuseeya.

Coddeynta 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse, maadaama dowlada talada haysa ku fashilantay waxaa muhiim noqoto in mar-xalada kala guurka looga gudbo heshiis siyaasadeed.

Heshiiskii Dhuusamareeb ay ku kala saxiixdeen Farmaajo, madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir wuxuu xeerinayaa in coddeynta noqoto Degaan Doorasho.

Balse, qodobada su'aalaha laga keenay waxaa kamida; cidda maamuleysa oo heshiiskaas qabyada ah ku sheegayo guddiga doorashooyinka Qaranka, arrintaas oo ka hor-imaaneysa shuruucda waddanka u taala.

Shuruucda uu ku dhisan yahay guddigaan wuxuu xeerinayaa in waajibaadkiisu yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, ayna ku lug-yeelan karin wax ka baxsan. Guddiga wuxuu wajahaa eeda ah in uusan dhex-dhexaad ahayn.

Bayaanka Madasha Xisbiyadda Qaran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM