Naadiga Paris oo Soomaaliya ka cafiyay deymo dheeri ah

Image
Naadiga Paris ayaa Soomaaliya Ka cafiyay in ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay ku lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebeeyay wada-xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeesheen waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club).

Wasiirka oo tallaabadan ka hadlay ayaa yiri, “Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen. “

Arrintan ayaa ka dhigan in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa heshiisyo gaar ah la geli doonta dalalka naadiga si gabi ahaanba looga baabi’iyo deymaha lagu leeyahay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM