Naadiya Maxamed oo loo dhaariyey golaha degaanka ST Louis Park

Image

WASHINGTON, US – Gabar Soomaali ah ayaa Isniintii loo dhaariyey golaha degaanka xaafadda dacalka ku haysa magaaladda Minneapolis ee St Louis Park.

Naadiya Maxamed ayaa waxay noqotay qofkii ugu da’da yaraa, Muslim ah, madow ah isla markaana Soomaali ah ee xubin ka noqda golahaas.

23-sano jirtaan waxay xilkaan ku guuleystay doorasho qabsoontay bishii November ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019-kii.

Guusha Naadiya ayaa sarre u qaaday tiradda Soomaalida ee sidda weyn kaga dhex-muuqata siyaasadda waddanka Mareykanka.

Kadib dhaarinteeda, Naadiya ayaa muujisay in ay rajeyneyso in ay codkeeda ugu hiiliso baahiyaha cod-bixiyeyaasha doortay.

Golaha ay kamid noqotay ayay u sheegtay in ay ka dooneyso wadashaqeyn wanaagsan, isla markaana isku aragti laga noqdo danaha guud.

Sikastaba ha ahaatee, golaha degaanka St Lois Park oo ka kooban lix qof, kuwaasoo lasoo doorto ayaa go'aan ka gaara arrimaha masiiriga ah ee xaafaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM