Naadiya Maxamed oo loo dhaariyey golaha degaanka ST Louis Park

Image

WASHINGTON, US – Gabar Soomaali ah ayaa Isniintii loo dhaariyey golaha degaanka xaafadda dacalka ku haysa magaaladda Minneapolis ee St Louis Park.

Naadiya Maxamed ayaa waxay noqotay qofkii ugu da’da yaraa, Muslim ah, madow ah isla markaana Soomaali ah ee xubin ka noqda golahaas.

23-sano jirtaan waxay xilkaan ku guuleystay doorasho qabsoontay bishii November ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019-kii.

Guusha Naadiya ayaa sarre u qaaday tiradda Soomaalida ee sidda weyn kaga dhex-muuqata siyaasadda waddanka Mareykanka.

Kadib dhaarinteeda, Naadiya ayaa muujisay in ay rajeyneyso in ay codkeeda ugu hiiliso baahiyaha cod-bixiyeyaasha doortay.

Golaha ay kamid noqotay ayay u sheegtay in ay ka dooneyso wadashaqeyn wanaagsan, isla markaana isku aragti laga noqdo danaha guud.

Sikastaba ha ahaatee, golaha degaanka St Lois Park oo ka kooban lix qof, kuwaasoo lasoo doorto ayaa go'aan ka gaara arrimaha masiiriga ah ee xaafaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM