Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Afgooye iyo sababta dilkiisa oo la ogaadey

Image

AFGOYE, Somalia - Dabley hubeysan ayaa Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay nabadoon Soomaaliyeed, oo si weyn looga yaqaaney gudaha degmadaasi.

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa Allah ha u naxariistee Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xayeesi Mursal Abiikar ku dishay xalay xaafadda Godey, kuwaasoo goobta uga baxsaday Mooto, sida Goobjooge u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online.

Nabdoonka ayaa kamid ahaa Ergadii doorashadda ee ka qeyb-qaatey hanaankii lagu soo xulay dhamaadkii 2016 illaa billowgii 2017 Xildhibaanadda kasoo baarlamanka hadda shaqeeya dhinaca Koonfur Galbeed.

Sababta loo dilay Odayga ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto ka qeyb-galkiisa doorashadda, iyadoo horey ugu hanjabtay dil dhaman dadkii ka qeyb-qaatey doorashadii Xildhibaanadda,

Dilka AUN Xayeesi Mursal ayaa noqonaya midkii 2aad oo mudo 24 saac gudahooda ka dhaca degmada Afgooye, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Amniga degmada ayaa mudo sanado ah ahaa mid cago badan ku taagnayn, oo ay ka dhacayaan dilal iyo weeraro joogto ah, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamo isagu jira boolis, Nabad Sugid iyo Militeri katirsan dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM