Nabadoono iyo askar lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaa

Image
Saraakiisha ciidamada ayaa xusay "in Khawaariijta ku hungoobeen in ay qabsadaan magaalada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka degaanka Masagawaay lagu beegsaday qaar kamid ah odayaasha safka hore uga jiray abaabulka gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Fahfaahinta oo ay xaqijiyeen illo wareedyo kala duwan ayaa waxay intaas ku daraysaa in saddex kamid ah nabadoonka hormuudka u ahaa Macawiisleyda degaanka ah ku nafwaayeen dagaalka.

Alle ha u raxmadee, odayaasha magacyadooda ayaa lagu kala sheegay; Ibraahin Geeljir (Gudoomiyihi hore ee Galcad), Cismaan Macalin Axmed (Xarfadle), iyo Ibraahin Maxaad Cismaan.

"Marxuumiintan ayaa kamid ah sideed qof oo isugu jira askar iyo nabadoono oo ku shiidey weerarkan," ayay Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho kasoo xigteen sarkaal ciidan oo magaciisa ka gaabsadey.

Geesta kale, Gen Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay duullaan kusoo qaadeen Masagawaa, "laakiin ay ku hungoobeen inay qabsadaan magaalada".

Jananka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in waqti-xaadirkan ay magaalada gacanta ku hayaan ciimadama dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kadib weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday deegaanka Budbud ee isla Galmudug. Gulufkaas waxaa ka badbaadey Xildhibaan Jacfar iyo saraakiil kale oo ciidamo sar-sarre ah.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay kordhisay beegsiga gaadmada ah ee ay ku ekeyneyso fariisimaha iyo saldhigyada ciidamadda Soomaaliya halkaasoo khasaaro culus uu ka dhasho.

Bishan April 16-keeda, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qarax gaari ku weeraray saldhiga ciidamadda huwanta ah ee degaanka Budbud ee gobolka Mudug wallow saraakiil xuseen in ay iska-caabiyeen.

Bishii hore Maarso 23-keeda, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo dadka degaanka ee degmada Ruun-nirgood. Kooxda hubeysay waxay shaacisay in ay laysay tobanaan askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM