Nairobi oo lagu qabtay Bandhiga Dhaqanka, Fanka iyo Taariikhda dadka Soomaaliyeed

Image
Bandhigaan ayaa socon doona mudo bil ah, iyada oo la filayo in ay u soo daawasho tagaan nus milyan qof.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu daahfuray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Bandhiga Dhaqanka, Fanka iyo Taariikhda dadka Soomaaliyeed kaasoo lagu soo bandhigay farshaxamka dadka Soomaalida.

Waxaa sidoo kale bandhiga maanta lagu soo bandhigay Agabka dhaqanka dadka ka soo jeeda isirka Soomaalida.

Bandhigaan ayaa socon doona mudo bil ah, iyada oo la filayo in ay u soo daawasho tagaan nus milyan kamida dadka ku dhaqan dalka Kenya.

Bodhigaan waxaa soo agaasimay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Madxafka Qaranka ee dalka Kenya.

Sawirada lagu soo badhigay waxaa soo aruuriyay, abaabulay, hal abuurkeedana lahaa Cali Saciid oo leh hay’adda Golol Gallery. Cali Saciid ayaa aruurinayay sawiradaan mudo ka badan 50 sano.

Diblomaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, mas’uuliyiin ka socda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlada Kenya ayaa ka qayb-galay Bandhigaan.

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimada Bandhiga dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana uuna sheegay in uujeedada bandhiga ahaa sidii caalamka loogu soo bandhigi lahaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo taariikhda dadka Soomaalida.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa Mahadcelin balaaran u jeediyay qabanqaabiyayaasha iyo Marti sharafta kasoo qaybgashay.

Qabashada bandhigaan ayaa qayb ka ah barnaamijyada lagu weyneeynaayo looguna dabaaldagayo Todobaadka xorriyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM