Natiijada safarka Rooble ee xalinta xiisadda gobolka Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in wax xiriir iyo wada-shaqeyn ah uusan kala dhaxeyn madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayna sugayaan sida ay sheegeen in muddo xileedkiisa uu dhamaado.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in maadaama uusan xiriir ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.

Qadiyada gobolka Gedo waxay qeyb ka ahayd khilaafkii ragaadiyay doorashada Soomaaliya ee dib u dhacday, waxaase heshiiskii xukuumadda iyo maamul-gobolledyada ka mid ahaa in guddi dib u heshiisiin loo saaro arrinta Gedo.

Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasi oo la filayay in labada dhinac uu isu soo dhaweeyo.

Kala sii fogaanshiyaha soo ifbaxdey kadib socdaalka ayaa horseedi karta in khilaaf cusub oo doorashada la xiriira uu soo baxo, kaas oo saameyn ku yeelan karta jadwalka doorashada baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee loo muddeeyay 10-ka October.

Canjeex oo ay BBC-da weydiisay arrimaha ay ka wada hadleen ray'sal wasaaraha, wuxuu sheegay in Ra'iisul Rooble u sheegay inuu dowrkiisa koobaad yahay in doorasho ay ka dhacdo dalka Soomaaliya, uuna taasi ku dadaalayo sidii ay u dhci lahayd.

Dhawaqii Rooble ee Kismaayo

"Inagana waan soo dhaweynay arrintaasi, diyaar in aanu nahayna waan u sheegnay, laakiin waxaan u sheegnay in anaga iyo Axmed aanan wax xiriir ah lahayn, dadkaanna ay go'aan ka gaareen," ayuu yiri.

"Jubbaland deegaankeeda dadka u dhashay waxay isugu imanaayan Garboaarrey, gogolna ay u taallo halkaas oo ay isugu tagayaan ugaasyadooda iyo wax garadkooda, ka dibna in ay dowlad dhistaan ay ka go'antahay, ayaan u sheegnay raysal wasaaraha," ayuu hadalka ku sii daray Canjeex.

Ra'iisul waseere Maxamed Xuseen Rooble, mar uu Kismaayo Ka hadlayay wuxuu sheegay in doorashada Jubaland ka dhacayso - "ha noqoto tan Garbahaarreey ama Kismaayo - in maamulka uu mas'uul ka yahay".

Rooble wuxuu tilmaamay in uu kula xisaabtamayo Madaxweyne Axmed Madoobe, balse guddoomiye Axmed Buule ayaa sheegay in marnaba aysan aqbalaynin "dad Axmed Madoobe uu soo magacaabay".

Wuxuu ku doodayaa in "muddo xileedkiisa uu dhammaanayo kuna egyahay bisha Sideedaad ee sannadkan" ayna raysal wasaaraha arrntaasi u sheegeen.

Maamulka Gedo ma gudbiyeen guddigaas?

"Annaga heshiiskii 17-kii September waan ogolnahay, waana arrin diblomaasi ah laakin Ra'iisul wasaaraha mowqifkeena wuu ogyahay, Axmed na Mowqifkiisa wuu ogyahay.

"Marka ay dhammaato (muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go'aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd".

Dooda Canjeex oo kamid ah saraakiisha ku sugan gobolkaas ee taabacsan dowlada waqtiga ka dhacay ayaa salka ku haysa muddo xileed ay Villa Soomaaliya u qabatay Axmed Madoobe kadib dib-u-doorashadiisa.

Dhanka kale, maamulka Jubaland ayaan wali ka hadlin socdaalka wasiirka koowaad ee Gedo. Hase ahaatee, warsidaha Garowe Online wuxuu fahansan yahay in hogaanka maamulkan uusan raali ka ahayn booqashadaas.

Guddoomiye Axmed Buule Canjeex wuxuu yiri: "Dadka deeganka wey wadahadleen, wayna ogaayeen in guddigaasi laga sugayo, waxayna soo gudbiyen afar qof oo ay laba guddomiye u dooran tahay labana ay guddomiye ku xigeen u doorantahay.

"Waxaana afartaas qof ay odayaasha deegaanka ku wareejiyeen Ugaaska guud, ugaaskana wuxuu u gudbin doonaa afart qof ee ka socota maamul goboleedyada kuwaas oo ugu dambeyn raysal wasaaraha u gudbinaya."

Ku gacansareynta dowlada ee Gedo

Balse BBC-da ayaa guddoomiye Buule xusuusiyay in ugu dambeyn guddigaasi uu ra'iisul wasaaraha wasaaraha u gudbin doono madaxaweynaha maamulka Jubaland.

"Ha u gudbiyo laakiin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo," ayuu ku jawaabay.

"Axmed iyo inaga heshiis nagama dhaxeeyo, wadahadalna nagama dhexeeyo, waxa keliya ee inoo dhaxeeya waa heshiiskii 17-ki September oo uu hoggaaminayo mas'uulna ka yahay raysal wasaare Rooble", ayuu carabkiisa ku adkeeyay.

Arrinta gobolka Gedo ayaa ka mid ahayd waxyaabaha heshiiska laga gaari waayay si Soomaaliya ay uga dhacdo doorashada xilligeeda kadib dhacday, sida ay ku doodeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Mas'uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas'uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmooyinka Gobolka Gedo - marka laga reebo degmada Ceelwaaq - dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka oo Jubaland ay ku warantay in ay si afduub ah ku qabsatay.

Nidaamka federaalka ee Soomaaliya waxaa loo aasaasay si loo soo afjaro khilaafaadka daba dheeraaday ee u dhexeeya qabaa'ilka, kaasoo hor istaagay isku daygii lagu dhisi lahaa dowlad mideysan laakin waxaa muuqata in hadafkii laga lahaa uusan miradhalin.

BBC + GO

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM