New York oo martigelinaysa shir lacag loogu uruurinayo Soomaaliya

Image
Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

NEW YORK, USA - Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1: Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2: Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3: Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Kulankan oo ah mid dhaqaale loogu uruurinayo Hay'adaha Ammaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya ka gadaal markii dalka laga qaadey cunaqabateyntii hubka taasoo saarneyd tan iyo sanadkii 1992-dii.

Sikastaba ha ahaatee, is-aragan ayaa sdoo kale waxa uu kusoo hagaagayaa xilli lagu wado in Soomaaliya laga cafiyo deynta gaareysa in ka badan 5-ta bilyan taasoo ay ka dhaafayaan dowladdo uu Mareykanka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM