Nikki Haley: Kanada waxay la macaamishay "shaydaan"

Image

NEW YORK - Nikki Haley oo horey usoo noqotay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, ayaa ku eedeysay dowladda Kanada inay la safatay dalal ay ku sifeysay “Shaydaan”, oo taageera qadiyadda Falastiin.

Eedeynta Nikki ayaa timid kadib markii UN-ka meelmariyey qaraar taageeraya dowladnimada Falastiiniyiin, kana soo horjeeday Israel, kaasoo Gollaha usoo gudbisay North Korea.

Iyadoo ka hadlaysay New York shalay, Nikki Haley ayaa sheegtay in Kanada ay qaadatey go’aan lama filaan ku noqday saaxiibada Israel, kaasoo ah mid aan horey looga baran madaxdii ka horeeyay Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau.

“Kanada waxay dooneysaa inat qabato kursiga meertada ee Golaha Amniga, waxayna taageero ka raadisay cadowga Israel iyo dalalka u dhaq-dhaqaaqa qadiyadda reer Falastiin,” ayay tiri Nikki.

Go’aanka Kanada waxaa sidoo kale cambaareeyay kooxaha Yahuudda, ee u ololeeya arrimaha Israel, kuwaasoo saameyn ku dhex leh siyaasadda Mareykanka iyo dalal kale oo Yurub katirsan.

Qaraarka North Korea ayaa taageero xooggan ka helay wadamo dhowr ah, iyadoo codka Kanada uu miisaan culus u yeelay, maadaama dalkan uu kamid yahay xubnaha Gollaha Amaanka ee QM.

Waxay ku tilmaameen degaanada ay degan yihiin Yahuudda "dhul Israel xoog ku haysato", iyagoo ku baaqay in dib loogu celiyo Falastiin, islamarkaana la aqoonsado xuduudii la sameeyay 1945-tii.

Nikki Haley ayaa ku fadhiday kursiga Safiirka Mareykanka ee UN-ka intii u dhaxeysay January 2017 ilaa December 2018, xilligaasi oo iska casishay kadib markii khilaaf uu soo dhex-galay iyada iyo Trump.

Inta badan Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa si indha la’aan ah u taageera Yahuudda, iyadoo Trump uu u aqoonsaday bariga magaalada Qudus caasimadda Israel kadib go’aan uu soo saarey December, 2017.

Go’aanka Trump ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah, waxaana dalal badan ay diideen inay safaaradahooda geeyaan bariga Qudus, halkaasi oo Falastiiniyiinta xoogga looga qabsaday 1967.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM