Booliska Soomaaliya oo qabtay laba nin oo qaraxyo ka fulin rabay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Axadda maanta ah ay ku qabteen isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho nin miino nooca dhejiska ah ku xirayey gaariga mas'uul dowladeed.

Sadiiq Aadan Cali, afhayeenka bileyska oo u waramay Idaacadda Kulmiye, ayaa tilmaamay in eedeysanaha loo gudbiyey Waaxda Dambi-baarista isla markaana uu dhowaan kasoo muuqan doono maxkamada ciidamada.

Sidda laga soo xigtay Cali, ciidamadda oo heegan ku jiray ayaa arkay eedeysanaha isla markaana qarxiyey miinadda oo aan khasaaro geysan.

"Waad la socotaa jawiga magaaladda maanta wuxuu ahaa mid kacsan. Laakiin, ciidamadda booliska oo meel walba joogay ayaa ku guuleystay in ay qabtaan dhagar-qabaha," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka.

Balse ma uusan soo bandhigin magaca mas'uulka lahaa gaariga. Balse, eedeysanaha wuxuu la xiriiriyey maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Qabashadda ninkaan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta uu magaaladda ka dhacay isu soo bax siyaasadeed oo lagu taageerayay qorshe sharci darro ah oo dowladdu dooneyso in ay ku kordhineyso xubnaha Aqalka Sarre.

Afhayeenka oo goor dambe warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidanka qabteen nin kale oo doonayey in uu isku qarxiyo banaanbaxayaasha.

"Isagana wuxuu mari doonaa sharciga, kiiskiisana wixii kasoo kordha waan idinla lasoo socod siin doonaa saxaafadda," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Waddooyinka muhiimka ah ee magaaladda ayaa la xiray, talaabadaas waxay saameyn ku yeelatay qaar kamid ah shacabka, kuwaas oo warbaahinta la hadlay isla markaana carro ka muujiyey kuna dhaliilay xukuumada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM