Nin saaxiibkiis masaar ku dilay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Image
Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in sharciga la horkeeno gacan ku dhiiglihii falkan geystay.

Muqdisho, Soomaaliya - Dhacdo aad u fool xun ayaa maanta ka dhacday waaxda Xalane degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin lagu magacaabi jiray Cabdifataax lagu dilay Masaar gudaha Gurigiisa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha oo ay saaxiibo yihiin Cabdifataax, balse ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay falkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale isugu soo baxay goobta uu falku ka dhacay, iyaga oo warbaahinta maxalliga la hadlay, waxayna sheegeen in maydka Cabdifataax la qaaday isaga oo jirkiisa ku yaala dhaawacyo fara badan.

Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in sharciga la horkeeno gacan ku dhiiglihii falkan geystay, iyada oo ay dadka qaar ay sheegeen in Eedeysanaha uu qabay xanuun dhanka dhimirka ah.

Gobollada dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay falal noocaan oo kale ah oo galaaftay nolosha dad tiro badan, iyadoo qoysaska dhibanayaasha ay sugayaan in sharciga la horkeeno dambiilayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM