Maxkamad ku taalla Ingiriiska oo xukun ku riday nin Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taalla magaaladda Cardiff, ee gobolka Wales oo katirsan dalka Ingiriiska, ayaa lagu soo waramayaa in ay xukun ku riday nin Soomaali ah.

Axmed Ismaacil Cali ayaa lagu eedeeyay in uu bishii Febuary ee sanadkaan Tooreeyay haweenay la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen.

Ninkan oo 34 jir ah ayaa Olivia Spinks oo 26 jir ah ku weeraray meel ay ka dukaameysanaysay, sida uu boolisku sheegey.

Ninkan ayaa gabadha kala dhaxeeyay mudo 4 sano ah xiriir jacayl, waxaana intii ay wada socdeen ay Olivia kala kulmaysay Axmed tacadiyo iyo dhibaatooyin kale.

Illaa hadda lama ogga waxa ku kalifay Axmed in uu ku kaco isku dayga dil.

Garsooriyaasha maxkamadda ayaa dhageysatay kiiska eedeysanaha oo ah inuu damcay dilka gabadha, taasoo dhaawacyo kasoo gaarey weerarka mindida.

Waxaa la dhigay Olivia University Hospital oo ku yaalla Wales, iyadoo ay sheegeen dhaqaatiirta in gabadha dhaawaceeda uu culus yahay, islamarkaana uu kasoo gaarey madaxa iyo qoorta.

Muuqaalo laga helay kaamirooyinka qarsoon ee "CCTV" ayaa laga daawaday qaabkii uu u dhacay falka kaasoo dadkii goobta ganacsiga ku sugnaa ku abuurey cabsi xooggan iyo kala carar.

Axmed ayaa goobta ka baxsaday weerarka kadib, balse ciidamada ayaa gacanta ku dhigay markii dambe isagoo ku dhuumaalaysanayay gudaha Ingiriiska, iskuna dayaya inuu dalka ka baxo.

Saraakiisha amniga ayaa weerarka ku tilmaamay "fal naxdin badan" waxaana maxkamadda ay eedeysanaha ku xukuntay 14-sano oo xabsi ah.

Garsoore Eleri Rees ayaa amray in Axmed, oo deganaa Butetown, uu xabsiga ku qaato shan sano oo dheeri marka uu dhameysto xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM