Nin Soomaali ah oo lasoo taagay maxkamad ku taalla dalka Malta

Image
36-sano jirkan ayaa waxaa lagu waramay in loo haysto in uu sameeyay isku-day fal kufsi ah.

VALLETTA, Malta - Nin 36 sano jir ah oo u dhashay Soomaaliya ayaa damiin looga sii daayay xabsi ku yaalla waddanka Malta kadib markii xilli lagu soo oogay dacwad ah in uu kufsi geystay bishii lasoo dhaafay.

Ninkan oo magaciisa loo qariyey sababo dhanka badqabka sumcadiisa ah, ayaa waxaa la horgeeyay garsoore Astrid May Grima ee Gozo Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in ninkan uu daba socday dhibbanaha la sheegay in ay iskeed ugu socotay gaarigeeda Sabtidii 19-kii February intii u dhaxeysay 3:00am iyo 4:00am subaxnimo ka dib markii ay ka soo baxday dabaal dagga.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, haweeneyda ayaa kadib markii ay ogaatay in lagu daba jiro ayay isku dayday in ay cararto balse eedaysanaha "wuu qabtey kadibna faroxumeeyay".

Dib u dhaca ku yimid soo qabashada eedaysanaha ayaa la fahamsan yahay in ay qeyb ka tahay iyadoo ay adkeyd in laga garto muuqaalada CCTV-ga ee la qaaday xilli danbe oo habeenimo ah.

Isbatoore Josef Gauci ayaa 36-jirkan ku soo oogay kufsi iyo in uu ku kacay fal galmo ah oo aan raali laga ahayn oo uu kula kacay haweeneyda oo lagu waramay in ay dhaawac soo gaartey.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale waxa uu wajahayaa dacwad ku saabsan inuu galay gef ka dhan ah asluubta iyo anshaxa guud. Ninkan ayaa qirtay inuusan wax dambi ah gelin, waxaana lagu sii daayay xabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM