Nin Xildhibaan ka waayay Somaliland oo Muqdisho ka helay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Muqdisho ka dhacday doorasho buuq hareeyay, oo kamid ah Kuraasta Gobolada Waqooyi [Somaliland].

Kursigan oo sumadiisu tahay Hope-272 ayaa waxaa u tartamay ugu yaraan shan Musharax oo uu kamid yahay ninkii horey ugu fadhiyay Guuleed Cayduruus Cige.

Intii uu socday tartanka, waxaa isaga baxay hoolka labo Musharax kadib markii la bedelay ergadooda, iyadoo ay ka warheleen musuq-maasuq inuu jiro.

Waxaa ku guuleystay Musharax uu Mahdi Guuleed keensadey oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Cumar, kaasoo bishii May u tartamay kursi Xildhibaan, balse ku guuldareystay.

Hal kursi kaliya ayaa Maanta lagu doortey Xerada tababarka booliska Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho, halkaasoo shalay shan kursi lagu doortay, kuwaasoo Somaliland matelaya.

Dhuusamareeb waxaa lagu qabtey doorashada Gollaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada kusoo baxay kamid ah Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Dhegay, oo iska casiley dhawaan Kursi Aqalka Sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM