Ninkii Dilay Taliyihii Nabad Sugidda Shabeellaha Dhexe oo la toogtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay ninkii ka dambeeyay dil sannadkii hore bartamihiisii loo gaystay taliyihii Nabad Suggidda Somalia ee gobolka Shabeellaha dhexe Cabdiwali Ibraahim Maxamed.

Ninka Qisaasta lagu fuliyay oo lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Maxamuud, ayaa kamid ahaa ilaalada Taliyaha kahor intuusan si bareer ah u dilin.

Laamaha ammaanka ayaa isla waqtiga uu dilka gaystay kadib gacanta kusoo dhigay iyagoo markaas kusoo bandhigay Qabuurihii lagu aasayay Taliyahaas.

Yuusuf ayaa waqtigaas wixii ka dambeeyay loo wareejiyay magaalada Muqdishu, waxaana Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia ku riday xukun toogasho ah.

Fagaaraha weyn ee Iskool buluusiya ayay Toogashada ka dhacday, waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Saraakiisha ugu sareysa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidamada ammaanka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkaas lagu helay dabi dil qof kale, sidaas awgeed ciqaabtiisu tahay in la toogto.

Muddooyinkan dambe Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Somalia ayaa siyaasiday qisaasta lagu fulinayo xubnaha katirsan Al Shabaab iyo dadka dilalka gaysta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM