Ninkii Guudlaawe u diidey inuu tago Beledweyne oo loo qaadey Muqdisho

Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya -  Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hogaamiyaha Malleeshiyo diidan Maamulka HirShabelle oo ku sugnaa duleedka Magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa Maanta loo soo qaadey Muqdisho.

Waxaa jira Heshiis uu garwadeen ka yahay Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliya, oo dhawaan lala galay Jeneraal Xuud, iyadoo la filayo inta ka dhiman lagu dhameeyo Muqdisho. Lama oga inay Villa Soomaaliya dhab ka tahay heshiiska iyo in Jen Xuud loo dhigay shirqool lamid ah kii Roobow.

Doorashadda Beledweyne ayaa ka taagnaa caqabad weyn kadib markii Malleeshiyaadka Jen Xuud ay sheegeen inaysan aqoonsanayn Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe kadib markii kursiga ugu sareeya Maamulkan laga wareejiyay Beeshiisa Xawaadle.

Farmaajo ayaa bedelay nidaamkii awood-qeybsiga HirShabeelle oo ku dhisnaa in Beesha Abgaal la siiyo Caasimadda Jowhar, islamarkaana Xawaadle qaato xilka Madaxweynaha, taasoo beelaha heshiis ku ahaayeen tan iyo 2016 markii la aas-aasay Maamulka.

Jen Xuud ayaa mudo ka badan hal sano dagaal kula jiray Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in Hiiraan aan shaqeynaynin Cali Guudlaawe, ayna dhisi doonaan maamul gaar ah oo HiiraanLand la yiraahdo. Waxaa hadda muuqata inuu Jeneraalka bedelay mowqifkiisa.

Guudlaawe ayaa ah shaqsi aad ugu dhaw Farmaajo, oo doorashadiisa ka caawiyay, waxaana hadda heshiiska lala galay Jen Xuud ku yimid dadaallo Villa Soomaaliya ka yimid, sida muuqata.

Kacdoonka Hiiraan ee Jen Xuud hogaaminayay oo salka ku haayay diidmada hab-dhismeedkii HirShabeelle ayaa qaatay sanad ka badan, waxaana lafilayaa in wadahadalada lagu dhameeystiro magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM