NISA iyo Hormuud oo kulan ka yeeshay khilaafkii dhexamaray

Image
Labada dhinac ayaa xal ka gaaray khilaafkii taagnaa.

Muqdisho, Soomaaliya - Masuuliyiinta ka tirsan Hay’adaha Ammaanka iyo Shirkadda Hormuud ayaa maanta yeeshay kulan ay uga arrinsadeen sidii loo xoojinlahaa ka wada shaqaynta danta guud si waafaqsan Shuruucda Dalka.

Qoraal kooban ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in xal laga gaaray caqabado taagnaa kuwaas oo loo xaliyay si ay ku jirto masxalada guud ee dalka, waxaana kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagantahay ilaalinta Amniga iyo badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga” ayaa la raaciyay.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud ay baraha Bulshada isu dhaafsadeen eedeymo ku saabsan carqladeynta howlaha laamaha amaanka iyo faragelinta xogaha muwaadineenta oo ay Hormuud gacanta ku hayso.

NISA ayaa isla markii qaadday tallaabo degdeg ah, iyada oo gacanta ku soo dhigtay 3 nin oo ka tirsan howlwadeenada Hormuud, laguna eedeeyay in ay carqalad ku sameyeen howalaha hay’adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM