NISA iyo Hormuud oo kulan ka yeeshay khilaafkii dhexamaray

Image
Labada dhinac ayaa xal ka gaaray khilaafkii taagnaa.

Muqdisho, Soomaaliya - Masuuliyiinta ka tirsan Hay’adaha Ammaanka iyo Shirkadda Hormuud ayaa maanta yeeshay kulan ay uga arrinsadeen sidii loo xoojinlahaa ka wada shaqaynta danta guud si waafaqsan Shuruucda Dalka.

Qoraal kooban ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in xal laga gaaray caqabado taagnaa kuwaas oo loo xaliyay si ay ku jirto masxalada guud ee dalka, waxaana kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagantahay ilaalinta Amniga iyo badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga” ayaa la raaciyay.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud ay baraha Bulshada isu dhaafsadeen eedeymo ku saabsan carqladeynta howlaha laamaha amaanka iyo faragelinta xogaha muwaadineenta oo ay Hormuud gacanta ku hayso.

NISA ayaa isla markii qaadday tallaabo degdeg ah, iyada oo gacanta ku soo dhigtay 3 nin oo ka tirsan howlwadeenada Hormuud, laguna eedeeyay in ay carqalad ku sameyeen howalaha hay’adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM