NISA oo gacnta ku soo dhigay xubno doonayay in ay ku biiraan ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay 25 xubnood oo qorsheynayay inay ay ku biiraan kooxda “AS”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Hay’adda.

Bayaanku waxa uu intaas ku daray, in Xubnahan ay doonaayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo wata gaari nuuca loo yaqaano Caasi kana soo baxay deegaan hoos taga degmada Afgooye.

Xubnahan ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay in loo waday in la askareeyo kuna biiraan dagaalamayaasha ‘AS’.

Gabagabada bayaanka ayaa lagu xusay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ay ka go’an tahay markasta in la beegsado AS ee ku hawlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM