NISA oo la dul-dhigay amar la xiriira garoonka Muqdisho

Image
Tani waxay kusoo aadaysaa xilli xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay xoogeysatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa faray hay’adda sirdoonka qaranka in mas’uuliyadda ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ku wareejiso booliska.

Nuur oo qoraalkiisa uu ku taariikheysan yahay 1-da bisha Janaayo, sanadka 2022-ka ayaa adkeeyay in dib ula soo laabtaan dhammaan ciidankii ka howlgalayay gudaha garoonka.

"Mana jirto wax ciidan oo NISA ah oo ka howlgeli kara ama ciidan hub la geli kara garoonka, marka laga reebo Ciidamada ku sugan xarumaha rasmiga ah sida Ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka," ayuu xusay.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u hoos-tagi jireen  Kaaliyihii hore ee Agaasimihii hore NISA C/llaahi Kulane.

Askartan oo dhowr jeer ay su'aallo ka keeneen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka la sheegay in inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo garoonka.

Tani waxay kusoo aadaysaa xilli xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay xoogeysatay. Khilaafkan wuxuu u muuqdaa mid u sii gudbaya loolan dhanka ciidamadda iyo ku gacan-saraynta maamulka ammaanka caasimada.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM