​NISA oo shaacisay qofkii ka dambeeyay weerarkii Dekedda Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ee NISA, ayaa shaacisay magaca iyo muuqa ruuxii ka dambeeyay qarax 11 Bishan ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

NISA, ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ka dambeeyay ninka lagu magacaabo Maxamed Ibrahim Xasan, kaasoo ahaa Darawalkii gaariga Xamuulka ah ee qaraxa siday dhigay afaafka hore ee Dekedda.

Ibraahim, ayaa hay'addu ku eedaysay inuu gaariga kasoo kaxeeyay deegaanka Jannaale halkaasoo lagasoo abaabulay weerarkaas oo lagu dilay in kabadan 20 ruux.

Hay'adda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Ibrahim, lagusoo qabtay howlgal gaar ah oo ay kasameeyeen magaalada Muqdishu.

War kooban oo ay NISA soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa ninkan sawirkiisa iyo magaciisa lagu shaaciyay iyadoo aan faah faahin intaas dheer laga bixin.

Waxaa la filayaa in dhawaan maxkamad lasoo taago inkastoo ay hay'addu xustay inuu qirtay dambiga uu galay.

Dhinaca Al Shabaab kama soo bixin wax war ah oo ku aadan ninkaas iyo inuu iyaga ka tirsanyahay.

Horay caado uma ahayn in gacanta lagusoo dhigo shakhsiyaadka fuliya weeraradan oo kale maadama nafsadooda ay halligi jireen iyagoo iskusoo xira walxaha qarxa si aan loo celin cadaymo dheeraad ah.

Amniga Muqdishu, ayaa xaalkiisu noqday allow sahal xilli sannadka soo socda la filayo inay ka qabsoonto doorashooyinka Guddoonka Barlamanka iyo midda Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM