NISA oo sheegtay in ay soo qabatay dad u hogaansamay “baadda AS”

Image
Ma jiraan Illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay qabatay shaqsiyaad u hogaamsamay lacago baad ah ay dul-dhigtey kooxda AlShabaab, sidda ku xusan war qoraal.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay xubno u hoggaansamay Baadda Khawaarijta iyadoo lagu daba jiro shakhsiyaad kale.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo si dhaw ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah Baad ugu weydiisaneysay xubno ganacsato ah ayaa gacanta kusoo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u dhego-nuglaadaan isku dayada daciifka ah ee Khawaarijtu ay ku dooneyso in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hintida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijtu.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM