NISA: Weerarkii Ex-kontarool waxaa qorshayntiisa lahaa dal shisheeye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay maanta oo Isniin ah in wadan shisheeye uu lahaa qorsheynta weerarkii Sabtidii, dhacay Ex-control Afgooye ee Muqdisho.

"Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye," ayaa lasoo dhigay barta NISA ee Twitter-ka.

NISA ayaa ku dartay: "Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis".

Qoraalka laguma sheegin magaca dalka ay ku eedeysay weerarka, balse waxa uu hadalkeeda yimid kadib markii Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga uu daabacay warbixin uu ku sheegay in dowladda Imaaraadka.

Qaraxii Ex-control oo ahaa midkii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya ayaa lagu dilay 85 qof oo labo Turki yihiin.

Hay'adda ayaa waxaa madax ka ah Fahad Yasiin oo la sheegay inuu xiriir dhaw la leeyahay dowladda Qatar, oo colaad kala dhaxeysa dalalka Khaliijka Carabta, sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain kuwaasoo ku eedeeyay Doha inay taageerto kooxaha argagaxisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor weerarkii Ex-control ku eedeeyay Al-Shabaab, wallow ururka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida aysan ka hadin falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM