NISA: Weerarkii Ex-kontarool waxaa qorshayntiisa lahaa dal shisheeye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay maanta oo Isniin ah in wadan shisheeye uu lahaa qorsheynta weerarkii Sabtidii, dhacay Ex-control Afgooye ee Muqdisho.

"Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye," ayaa lasoo dhigay barta NISA ee Twitter-ka.

NISA ayaa ku dartay: "Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis".

Qoraalka laguma sheegin magaca dalka ay ku eedeysay weerarka, balse waxa uu hadalkeeda yimid kadib markii Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga uu daabacay warbixin uu ku sheegay in dowladda Imaaraadka.

Qaraxii Ex-control oo ahaa midkii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya ayaa lagu dilay 85 qof oo labo Turki yihiin.

Hay'adda ayaa waxaa madax ka ah Fahad Yasiin oo la sheegay inuu xiriir dhaw la leeyahay dowladda Qatar, oo colaad kala dhaxeysa dalalka Khaliijka Carabta, sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain kuwaasoo ku eedeeyay Doha inay taageerto kooxaha argagaxisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor weerarkii Ex-control ku eedeeyay Al-Shabaab, wallow ururka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida aysan ka hadin falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM