BF oo loo gudbiyey nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga ku howlan diyaarinta sharciga doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxa uu soo bandhigay nooca ay noqon karto doorashadda dalka ka qabsoomeysa 2020-21.

Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa magacaabay Guddigaan oo wadatashiyo u aaday maamul goboleedyadda ka jira waddanka lana kulmay daneeyeyaasha caalamka.

Doorashadda Soomaaliya ee soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay noqoto qof iyo cod, wallow aan si rasmi ah loogu heshiisin nooca maadaama ay u baahan tahay heshiis mideysan.

Sidda ku xusan warbixinta Guddiga oo loo gudbiyey xeer-dejinta dalka, nooca ay soo jeediyeen in ay noqoto coddeynta soo aadan ayaa waxay tahay Nidaamka Aqlabiyadda.

Tani ayaa waxay macnaheedu tahay in ay bedeleen nidaam kale oo ay horey u soo bandhigeen kaasoo ahaa Matelaadda Isu-dheelitiran.

Nidaamka Aqlabiyadda ayaa wuxuu ku salaysan yahay in kursi kastaba gaarkiis loo doorto ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta.

Sidoo kale wuxuu qabaa nidaamkan in lagu kala baxo codka hal-dheeriga ah ee tartanka kursi degaan doorashadda gobolada kala duwan ee waddanka dhaca Geeska Afrika.

Baarlamaanka federaalka labadiisa gole - Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ayaa loo gudbin doonaa nidaamka cusub oo ay miiska soo saareen, waxaana xeer-dejinta ka gaareysaa go'aan rasmi ah.

Ergayga Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo la hadlayey xubnaha Golaha Ammaanka UN-ka, ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in doorashada ay waqtigeeda ku qabsoonto.

Mr Swan oo caddeeyay in saaxibadda caalamka bixinayaan taageero kasta ayaa wuxuu cod dheer ku soo jeediyey in nooca ay noqoneyso coddeynta ay noqoto mid si mideysan loogu heshiiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM