Nooca doorashada soo socota ee Soomaaliya oo laga shiray

Image
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qadiyadan kala hadlay wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdey Qaramada Midoobay.

Wafdigan waxaa hoggaaminayey madaxa xafiiska doorashooyinka iyo dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Serge Kubwimana, iyo Marwo Mikyong Kim oo ah xafiiska Siyaasadda doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxda Xafiiska Doorashooyinka UN-ka iyo UNDP ayaa ahmiyada koowaad siiyay doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta nooca ay noqon karto.

Mas'uuliyiinta ayaa, sidda uu shaaciyey xafiiska Aadan Madoobe, waxay sidoo kale is-dhaaf-sadeen aragtiyo ku saabsan sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho ka duwan midii hore loo soo arkay.

Dhanka kale, Kubwimana ayaa xusay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta baarlamaanka, tayeynta aqoonta shaqaalaha Golaha iyo xildhibaannada.

Kubwimana ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay gacan ka geeysan doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharuucda muhiimka u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM