Nuur Deeq: Sarkaalka Al-Shabaab ee kiiskiisa hadal-heynta ka dhalatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiye sare oo katirsanaa mudo dheer Al-Shabaab ayaa shalay soo galay gacanta dowladda, iyadoo kiiskiisa uu ka dhex dhaliyay dood badan Siyaasiyiin iyo dadka baraha bulshadda caanka ka ah.

Nuur Cabullaahi Maalinguur (Nuur Deeq) ayaa ah shaqsiga illaa hadda arintiisa hadal-heynta ka taagan tahay, waxaana si yaabo kala duwan uga falceliyay dad isaga ku heyb ah iyo kuwa mucaaradka kamid ah.

Wasiirka arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi ayaa sheegay in Nuur Deeq isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Wisil ee gobolka Mudug, halka warbaahinta dowladda warisay in lasoo qabtay.

Nuurdeeq Maalinguur ayaa hogaaminayay dagaallo culus oo ka dhan ah ciidamada xoogga dalka Soomaalieed ee ku sugan gobolka Mudug, wuxuuna mas'uul ka ahaa dilka Saraakiil kala duwan, heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed.

Takiska Ciidanka amniga Puntland [PSF] ayaa dhankoodii war ka soo saaray Nuur Deeq oo ay ku dalbanayaan in sharciga la horkeeno maadaama uu ku lug lahaa dambiyo waaweyn, isla markaana uu sabab u ahaa colaada muddo ka taagneed magaalada Gaalkacyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay shaaciyeen in Nuur Deeq uu ku lug lahaa dilal loo geestay:

1- Cabdicasiis Cabdullahi Qooje, taliyihii hore ciidamada milatariga qeybta 21-aad.
2- Maxamuud Yaasiin Tumey, duqii hore ee Gaalkacyo Puntland.
3- Duqii hore ee Gaalkacyo Galmudug.
4- Mukhtaar Cabdi Aadan, taliyihii Danab ee gobolka Mudug.

Image

Dhinaca kale, falcelinta ka soo yeertay xildhibaanada Galmudug ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku tilmaamay baaqyadii loo soo jeediyay in ay tahay munaafaqnimo.

Xildhibaan Qaali Cali Shire oo difaacday Nuur Deeq oo qaraabo yihiin ayaa tiri: ”Nuur Deeq kama xuma kuwa 100ka laayay ee hadana xilalka dowlada ka haya”.

Qaali ayaa sida muuqata falcelin kala kulantay hadalkan iyo cadaadis, waxayna sheegtay markii dambe in barteeda Facebook laga jabsaday, hadalkaasi oo dad badan ku tilmaamey xeelada uga baxaysa xaaladda lugaha la gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM