Nuxurka khudbadii madaxweyna Jubaland ka jeediyey Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa wuxuu Axada maanta ah la kulmay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey fadhiga ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo xiisada kala dhaxeysay dowlada dhexe.

Intii uu hadal-jeedinta waday, wuxuu su'aallo uga jawaabay qaar kamid ah mudaneyaasha kulanka, wuxuuna qiray in dagaalka siyaasadeed ee uu la galay Villa Soomaaliya uu ahaa mid wejiyo iyo mar-xalado soo maray.

"Waxaa iigu dambeysay Muqdisho doorashadii [2017] kahor intii ka dambeysay dhufeys baan ku jiray waxaan lahaa bal cidii kuu timaada iyo dowladii laguu soo diro iska celi, adigana is-geejiyoo nimankaas yac iska dheh," ayuu yiri.

Is-mari-waagooda ayuu caddeeyay in uu salka ku hayay qodobo dastuuri ah, kuwaasoo dowlada federaalka ah ay diidaneyd in sida sax ah loo dhaqan-geliyo.

"Marna ma aanan diidin dowlad Soomaaliyeed, marna ma aanan diidin doorka ay leedahay, marna ma aanan doonin waxa uu dastuurka siinayo in ay qaadato, laakiin mar walba doodayadu waxay ahayd dowladda waxa uu dastuurka sharciga u siinayo ha qaadato, wuxuu annaga inoo siinayana aan qaadano," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo adkeeyay in wadaniyadu ay naaf-siisanaato afka baarkii.

Isagoo ka falcelinayey inkiraada uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Senate-ka, Axmed Madoobe ayaa ku waaniyey hogaamiyaha waqtiga kasii dhamaanayo in uu kasoo laabto fekerkaas dhexna u noqdo Goleyaasha Sharci-dejinta.

"Madaxwenaha Soomaaliya waxaan leenahay madaxweynow labada aqal way kuu siman yihiin; hal aqal maaha waa laba aqal waliba aqalkaan ayaa sii ka yara ad-adag, odayaasha dhan way fadhiyaan, kusoo dhowaaw madaxweynow aqalka," ayuu kaga jawaabay su'aal ka timid Senator kulanka kasoo muuqdey.

Shirkii Dhuusamareeb3 ayuu daaha ka rogay in go'aanadii kasoo baxay deg-deg lagu soo saarey markii madaxdu ka war heshay in ay ku biiraan madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland oo kol hore qaadacay.

Hindisaha qabashada wadahadalada doorashada ee Muqdisho ayuu sumcadiisa dusha saartey, isagoo tibaaxay in madaxweyne Farmaajo uu isaga ku riixey "si aysan u muuqan in ay heshiis gaareen saddex nin oo isku heeb ah".

Talaadadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Axmed Madoobe uu yimid Muqdisho. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wehliyey. Hadafka safkooda wuxuu daaran yahay wada ogol looga gudbo xaalka kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM