Nuxurka khudbadii uu madaxweyne Biden ka jeediyay QM

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadaii maanta khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisii ​​78aad.

Madaxweynaha ayaa yiri: "Dunidu waxay wajaheysaa caqabado ba'an, maantana waa inaan horumar sameynaa, taasna waxay ka bilaabataa Qaramada Midoobay."

Waxuu intaas ku daray: “Mustaqbalkeennu waa mid, mana jirto ummad awood u leh inay keligood wajahaan caqabadaha adag ee wajahaya caalamka”.

Biden ayaa ka digay kororka afgambiga militari ee Afrika iyo qatarta dhibaatada isbedelka cimilada ay ku leedahay caalamka oo dhan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in Iran aysan marnaba helin hubka Nukliyeerka.

Ugu dambeyn, Biden ayaa sheegay in weerarka Ruushka ee Ukraine uu khatar gelinayo ammaanka dhammaan dalalka caalamka. Isagoo sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM