Ganacsadde caan ah oo lagu toogtay magaaladda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa fiidnimadii Axadda xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca ku toogtay Oday dhaqameed si weyn loo yaqiinay.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciidamadda ammaanka ay falka kadib baaritaano ka bilaabeen aagaas.

Xaaji Saciid Ciise Adoon, xubin ka tirsanaa ergaddii doorashadda ahaana ganacsadde ayaa dilkii wuxuu noqonayaa midkii ugu dambeeyay ee lagu beegsanayo Salaadiinta dowlad goboleedka Jubbaland.

Gacan ku dhiigleyaasha falka sameeyay oo durba meesha ka baxsaday ayaa lagu raad-jooga, sidda uu sheegay Taliska Booliska magaaladda oo si kooban ula hadlay mareega GO.

Ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Hase ahaatee, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Mas'uuliyiinta maamulka xaruntiisu tahay Kismaayo oo cambaareeyay beegsiga mas'uulkan ayaa tacsi waxay u direen eheladda marxuumka oo ay u rajeeyeen bedel fiican.

Waa falkii labaad oo ka dhan ah Nabadoonadda oo kaliya Soomaaliya ka dhaca muddo 24-saac gudaheeda ah. Ibrahim Maxamed Ibraahim ayaa lagu khaarijiyey magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM