Odayaal la macaamilay Al-Shabaab oo xukun lagu riday

Image
Odoyaasha ayaa loo sheegay in ay haystaan fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga fara maroojin Khawaarijta 16-kii January sanadkan 2023.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganayo dhaqan aysan ku matalin reer ka mug wayn go’aankooda.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Police-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Odoyaasha ayaa haysto fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM