Cadaado oo shuruud ku xirtay ka qeybgalka xulista Xildhibaanada

Image

CADAADO, Galmudug – Wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka ee Cadaado ayaa waxay go’aano degdeg ah kasoo saareen ka qeybgalka xulista Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayaa waxay shaaca uga qaadeen in aysan jirin cid ku metesha liiska odayaasha ee ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Odayaasha ayaa waxay shuruud kaga dhigeen ka qeybgalka soo xulista Xildhibaanadda iyo guud ahaan dhismaha Galmudug loo dhan yahay in xaliyo tabashooyinkooda.

Sidda laga soo xigtay warar xog ogaal ah, tabashooyinkooda waxaa kamid ah latashi la'aan ah iyo dalabyo ay kamid yihiin in loo xaqiijiyo in Cadaado sii ahaaneyso xarunta baarlamaanka.

Hadalkan kasoo yeeray Odayaasha Dhaqanka Cadaado ayaa kusoo aadaya xili xukuumadda maanta oo Sabti ay xareysay odayaal ay sheegtay in ay soo xuli doonan Golaha Wakiiladda cusub.

Xeer-dejinta ayaa kadib waxay bisha dambe ee December dooran doonan gudoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo ku xigeenka taas oo dhabaha u xaareyso maamul cusub.

Xisbiyadda mucaaradka oo kasoo horjeestay qaabka ay dowladdu wax u maamuleyso ayaa ka digay farogelin shisheeye iyo mid dhanka Madaxtooyadda ka timaad oo haatan "muuqaneysa".

Doorashadda Galmudug oo ay isha ku hayaan mucaaradka iyo dowladda ayaa la aaminsan yahay in ay fure u tahay coddeynta guud ee la filayo in ay waddanka qabsoonto sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM