Odowaa: Farmaajo wuxuu soo kordhiyey dulmi iyo dadka oo la qasbo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Cabdiraxmaan Odowaa, oo kamid ahaa murashaxiinta mucaaraadka hogaanka Galmudug, ayaa ku gacan-sayray in uu aqbalo natiijada doorashadii uu kusoo baxay Qoor-qoor.

Tani ayaa ka dambeysay markii saddex kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee wehliyey ay ku dhawaaqeen in ay u tanaasuleen danta iyo dadka reer Galmudug.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre "in ay dalka kusoo kordhiyeen dadka oo dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan".

Hoos ka akhriso qoraalka

Raggu waa Mawaaqif الرجال مواقف

Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM