Olole ka dhan ah Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warsidaha Garowe Online warar uu ka helayo Muqdisho ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay soo saarayaan war-murtiyeed ku saabsan Mawqifkooda dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo kusoo idlaadey iyaddoo aan laga heshiin mar-xalada kala guurka.

Sidda ku qoran Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Dalka gaar ahaan qodobkiisa 91-aad, mudada xil-heynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa 4 sano oo ka bilaammaysa marka la dhaariyo.

Sidoo kale, arrimaha cakiran ee ismarin waaga Doorshada iyo mudo xileedka dowladda Farmaajo ee dhammaaday waxay soo ifbixinaysaa in Saaxiibada Soomaaliya – USA, UNSOM, EU, UK IYO IGAD – ay qaadanayaan doorkooda ku aadan isu-keenida madaxda Soomaalida.

Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayey u muuqataa in ay raadinayaan in ay marakan door muuqda ku yeeshaan xal u helida iyo isku fahamka Doorashada ayna qayb kasoo fariistaa miiska wada hadalka.

Musharaxiinta ayaa ka maqnaa doorarkii ugu dambeeyey ee xal u helidda arrimaha la’isku hayo Doorashada ee kala ahaa Dhuusamareeb 1,2,3, hishiiskii 17 September iyo kii ugu dambeeyey ee natiijo la’aanta ahaa ee Dhuusamreeb.

Sidda ay warar lagu kalsoon yahay caddeynayaan, musharaxiinta ayaa kulan la leh Afhayeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaas oo ay kawada arrin-sanayaan xaaladda cakiran iyo qaabka ugu fudud ee loo dhameyn karo.

Qoraalka Musharaxiinta ayaa ah mid laga filan karo in ay ku muujiyaan in madaxweyne Farmaajo uu ka idlaadey wakhtigii dastuuriga ahaa ee xilhayniisa, isla’markaana ay ugu baaqaan Guddoonka Golaha Shacabka ku wareejiyo hogaaminta Dalka si ay hogaamiyaan geedi-u-socod doorasho Xor iyo Xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM