Pakistan oo gudbisay dalab ku saabsan Ciidamada Cirka Soomaaliya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Taliyeyaasha ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan ayaa Arbacada maanta ah ku kulmay magaalada Islamabad.

Kulanka Maxamed Sheekh iyo Mujahid Anwar Khan ayaa ahaa mid uu albaabada u xirnaa, mana jirin cid kale oo ku wehlisay.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa shaacisay in isa-aragga saraakiisha diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labadda ciidan

Iskaashiga waa mid ku dhisan dan-waag, sidda ku xusan war-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay shirka labada geesoodka ah.

Maxamed Sheekh, taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey horumarka iyo casriyeynta lagu sameeyay dhigooda Pakistan.

Dhankiisa, Mujahid Anwar Khan ayaa hoosta xariiqay ahmiyadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu dalbadey in ay tababaraan Ciidamada Cirka Soomaaliya islamarkaana ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya.

Pakistan, dal dadkiisu gaarayaan 197 milyan oo ruux, ayaa kamid ah dowladaha caalamka ee haysta hubka sidda weyn wax u gumaada ee Nukliyeer-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM