Puntland iyo Jubaland oo iska fogeeyay go'aanadii Dhuusamareeb 3

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-murtiyeed si wadajir ah u soo saareen Puntland iyo Jubaland ayaa waxay ku diideen natiijadii ka soo baxdey shirkii Dhusamareeb 3, iyaga oo sheegey ineysan jirin cid ku matali karta kulankaas.

"Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashda dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed," ayay soo qoreen.

Doorashooyinka soo aadan 2020-21 ayay caddeeyeen in ay raali ka yihiin in lagu aado hanaan doorasho oo isla ogol ku yimid isla markaana ay noqoto mid waqtigeeda ku dhacda oo aysan ku imaan wax dib u dhac ah.

"Dowladaha Puntland iyo Jubaland waxay caddeynayaan in aysan qeyb ka ahayn, lagana talogelin shirka Dhuusamareeb ka dhacay," ayaa lagu yiri bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidha Garowe Online.

Beesha caalamka ayay uga mahadceliyeen taageerada la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, dowladda federaalka iyo maamulada si loo heli xasilooni siyaasadeed, amni, dowladnimo wanaag iyo hormar dhaqaale.

Shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa kasoo baxay wax loogu yeeray "heshiis doorasho" oo ka kooban 14 qodob, kaasoo xeerinaya in coddeynta 2020-21 ay noqoneyso degaan doorasho ay Xildhibaana soo xulayaan ergo dhan 301.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysay heshiiskan u muuqday mid lagu soo qoray Muqdisho isla markaana sidoo kale dhigaya in ay doorashada maamulayaan guddiga doorashooyinka Qaranka ee waqtiga kasii dhacayo.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM