Puntland oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan wax-ka-bedelka dastuurka

Image
Wasiir Juxa ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan yahay baabi’inta Federaalka.

Garowe, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa Maanta wareysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay mowqifka Puntland ee ku aadan wax ka bedelka dastuurka.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in wax laga bedelo dastuurka xitaa haddii Baarlamaanka uu ansixiyo, isaga oo intaasi ku daray in talada ay dhex taalo dadka reer Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku howlan yahay baabi’inta Federaalka, oo ay talada ku uruurto gacanta koox gaar ah, taasoo laga diiday madaxdii ka horreysay sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili magaalada Garoowe uu ka dhacay kulan looga hadlayay xaalada dalka, waxaana la filaya qodobada ka soo baxay inay ka mid noqdaan in lagu baaqo Shir Qaran oo hal dhinac looga soo wada istaagaayo wax ka beddelista Dastuurka.

Waxaa la filayaa in kulankaan uu ka duwanaado kii uu ku baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kadib markii “Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqsaday ka qeyb galka Wadatashigaas” sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM