Puntland oo daahfurtay Istaraatijiyadda ka hortagga tacadiyada dadka nugulka ah

Image
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey hay’adaha diyaariyeey qorshahan.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta daah-furay Istaraatijiyadda ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, Caruurta iyo dadka nugulka ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska ee Dowladda Puntland.

Istaraatijiyadda ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, Caruurta iyo dadka nugulka ah, ayaa isugu jirta waceygelin Bulsho, Kor u qaadida aqoonta dadka u shaqeeya dhibanayaasha, Adkeynta shuruucda Dalka uga yaalla tacadiyada iyo wada shaqeynta laamaha Amniga iyo qodobo kale .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey in la diyaariyeey qorshe looga hortagayo tacadiyada iyo kiisaska noocan oo kale ah , wuxuuna rajeeyay in Istaraatijiyadan oo loogu talagalay 2024-2028, ay wax badan kusoo siyaadin doonto dadaalada looga hortagayo tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda oo ay ugu horeyso Wasaaradda Haweenka iyo Baha-wadaagteeda, bahda Garsoorka, Laamaha Amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM