Puntland oo Deni u horseeday Hubanti la'aan

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlada Puntland ee muddo xileedkiisa Dastuuriga ah uu ku egyahay 08 Jan 2024 ayaa hadal jeedin ka sameeyay xaalka Puntland.

Deni oo muddo ka badan 2 bil ka maqnaa Puntland ayaan soo hadal qaadin Qaaliga maciishada, sicir bararka, Amni darada Boosaaso iyo colaadaha iyo aanooyinka Beelaha gobalka Mudug ee u danbeeyay dilkii Dr Sakariye.

Waxaa uu ku dhawaaqay in Puntland ay Golaha wakiilada iyo madaxtooyada lagu soo dooranayo qof iyo cod xilli aan Nugaal laga samayn wali midii golayaasha deegaanka.

Dhanka kale Deni waxaa uu u jawaabay hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali"Firdhiye" isaga oo gaashaanka u daruuray hadal dhawaan Firdhiye uu Muqdisho ka sheegay isaga oo taas badalkeeda yiri " Xuquuqdii ay Puntland ku lahaayeen iyo matalaadii sideedii bay ahaan".

Madaxweyne Deni ayaa lagu xasuustaa 14 xildhibaan golaha Shacabka ee muddo sadex saac ka yar lagu soo saaray magaalada Boosaaso iyada oo sidoo kale colaadihii Boosaaso, Galkacyo iyo Garowe aan wali la dhayin.

Hogaamiyayaasha Mucaaradka ayaa markiiba kulan isugu yimid Garowe iyaga oo ka arinsanaya jawaabta ay ka bixinayaan hadal jeedinta Deni oo lagu tilmaamay" qof waligiis aan xil-wareejin samayn".

Qoyskiisa oo uu ku wareejiyay ilaalada Madaxtooyada iyo ilaha dakhliga oo Qaadku kamid yahay ayaa looga digay in ay ku dhacdo sida kaligood taliyayaal kacdoonka Dadweynuhu dabaylaha raaciyay.

Dadweynaha Puntland ayaa ka war sugaya Golaha Wakiilada Puntland oo looga bartay in in 25 Oct ay soo saaraan lifaaqa Doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM