Puntland: Xubno dowladda mucaaraday oo Garoowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta oo Jimce ah xabsiga u taxaabay afar xubnood oo kamid ahaa madal isugu yeertay bad-baadinta Puntland, taasoo muddooyinkii u dambaysay warbaahinta marinaysay dhaliilo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Afar xubnood oo hormuud u ahaa koox la magac baxdey Madal ayaa la dhigay saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe iyadoo amarka la sheegay inay bixiyeen guddiga nabad galyada gobolka Nugaal.

Xubnaha la xiray ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo soo noqday Agaasimaha hay'adda Puntland u qaabilsan cudurka Aids-ka, Daahir Ciiro oo isna mar kasoo mid noqday Barlamankii KMG ahaa dalka Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato Iyo Faysal Faarax Cali.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta raggaas loo xiray.

Arrintan waxaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe Fardafuul.

Balse xubnahan oo 10-kii bishan shir saxaafadeed ku qabsaday Garoowe ayaa dhaliilay shirkii Kismaaayo lagu qabtay iyo khilaafka ka dhashay wadamada Khaliijka iyagoo tilmaamay in Madaxda maamul goboleedyadu ay ku khaldanyihiin waxyaabaha ay ka shireen.

Kooxdaan oo dhowaan ku qabatey shir saxafadeed duleedka magaalada Garowe ayaa u gacan haadinayey dowlada Federaalka iyagoo u muuqdey iney ka faa'ideysanayaan 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM